Taxanaha Caafimaadka
1. Ka ilaali caruurta kafeega iyo shaaha caleenta badan. Kafeega iyo shaaha caleentu ku badan tahay uma wanaagsana koriinshaha caruurta waxay dheefshiidka iyo maskxda caruurta ku reebaan saamayn daba dheeraata. Sidaa darteed xaddiga caleenta ku jirta shaaha caruurta wa in uu ka duwan yahay shaaha dadka waawayni cabo
2. Ku dhiiragali caruurta cunista khudaarta gaar ahaan Koostada, Bagalka iyo Ansalaatada sababtoo ah waxaa ku jirta Vitamins kala duwan iyo maadooyin muhiim u ah koriinshaha lafaha caruurta sida Calcium, koriinshaha lafaha caruurta muhiiad gaar ah ayay calcium-tu u leedahay cuduro badan oo lafaha ah ayayna caruurta ka difaacdaa
3. Cun kalluunka si maalinle ah hadiiba aad heli karto sababtoo kaluunku waxaa ku jirta maadooyin muhiim u ah maskaxda qofka. Sidoo kale kaluunku wuxuu soo celiyaa xusuusta qofka, wuxuu kor u qaadaa awooda dhiiga gaar ahaan gogosha wuxuuna kaluunku ka hortag u yahay Malaariyada
4. Ka jooji caruurta qaylada sababtoo ku qaylinta caruurta waa mid ka mid ah waxyaabaha keena in koriinshaha caruurtu daaho, caruurta cunugba cunuga uu ka farxad badan yahay wuu ka koriinsha fiican yahay sida cunugu jirkiisa ugu baahan yahay nafaqo ayay maskaxdiisu ugu baahan tahay farxad iyo dhiiragalin, maskax caafimaad qaba ayaa jir caafimaad qabta soo saarta.
Asc
ReplyDelete