Taxanaha Caafimaadka
1. Cunug aan xanuunsaneen waliba aan baahneen ee ooynaya maalintii 3 saac wax ka badan hadaad aragto wuxuu qaba Colic oo ah cilad qabsata caruurta yar yar lala xiriiriyo inuu xasaasiyad ku leeyahay cunnada qaarkii ama khalkhal ka haysto xaga cunnada.
2. Laba isbuuc marka uu cunuga dhalan yahay hadii uu ooyo wax ka badan sadex saac maalintii isaga oo aan baahneen ama xanuunsaneen wuxuu qabaa colic
3. Hadaad aragto Cunug ooynaaya wax ka badan 3 saac maalintii ku dheh hooyada cunuga dhashay ka jooji cunuga caanaha Lo'da aad siinayso
4. Hadaad aragto Cunug ooynaaya wax ka badan 3 saac maalintii waxay u badan tahay in hooyadiisa xasaasiyad qabto ku dheh ha cunin ukun, digaag, digir iyo kaluun inta aad cunuga nuujinayso
5. Hadaad aragto cunug ooynaaya wax ka badan 3 saac maalintii ama ooyintiisa badan tahay ugu qabee biyo diiran waxay u badan tahay inuu gudaha dhaxan ka dareemaayo
6. Hadaad aragto cunug ooyintiisu badan tahay gacantaada dab yar ku diiri kadibna caloosha ka saar wuu yarayn doonaa oohinta
7. Hadaad aragto cunug aariyo hoose kaso baxayso, naaskana diiday, rabana in habeen iyo maalin lala taagnaado oo ooynaata wuxuu qabaa Colic
8. Colic hadaad maqasho waxay caruurta qabta aad u ooyaan habeenkii in ka badan inta ay ooyaan maalintii
Wali Mala Kulantay Cunug Xaaladahaan Qaba.?
No comments