TAXANAHA CAAFIMAADKA
1. Cun Babaay hadii aad ku xanuunsanayso dhiiga caadada. Babaaygu wuxuu yareeya xanuunada yimaada xilliga fasaxa
2. Ku dadaal nuujinta caruurta. Caruuurta aan helin nuujinta saxda ah waxaa yaraada difaaca jirkooda xasaasiyaduna way ku badan tahay
3. Cun tufaaxa isbuucii mar, labo ama saddex. Tufaaxu wuxuu kilyaha ka ilaaliyaa in ay dhagaxaan ku samaysmaan
4. Si joogta ah u isticmaal daangada, saloolka ama qaloonka sidaa u taqaan. Daangada waxay jilcisaa saxarada lafahana way adkaysaa
5. Soco hadii aad tahay hooyo uur leh. Socodku wuxuu ka hortagaa sokorta iyo dhiiga kaca xilliga uurka, fooshana way fududaataa
6. Ha siin caruurta wax biyo ah maqribka kadib hadii ay isku kaadiyaan. Cabista biyaha maqribkii ka dib waxay soo dadajisaa kaadida
No comments